Home Wararka Ciyaaraha Maanta Zinedine Zidane oo ka hadlay ku guuleysiga Real Madrid ee horyaalka La...

Zinedine Zidane oo ka hadlay ku guuleysiga Real Madrid ee horyaalka La Liga

0

tababare Zinedine Zidane ayaa ku adkeystay in kooxdiisa aysan ka quusanin ku guuleysiga La Liga ilaa waqtiga ugu danbeeyay.

Zidane oo hadlayay ka dib markii Real Madrid ay 2-0 ku garaacday Getafe Talaadadii, waxaana uu ku amaanay ciyaartoydiisa qaab ciyaareedkooda xirfadeed ee soo bandhigeen.

Karim Benzema iyo Ferland Mendy ayaa goolal dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta taas oo Real Madrid siisay saddexda dhibcood  ​​Real Madrid ayaa seddex dhibcood ka sarreysa kooxda ay xafiiltamaan Barcelona, kuwaasoo ku jira kaalinta seddexaad ee kala sareynta La Liga.

Si kastaba ha ahaatee, waxay ciyaareen laba kulan wax ka badan kooxda ay isku magaalada yihiin ee Atletico Madrid welina 5 dhibcood ayey ka hooseysaa.

Sikastaba, Zidane wuxuu ku adkeystay inay muhiim tahay in lasii wado aaminaada in Real Madrid ay wali wax walba rogi karto.

Isaga oo la hadlaya Website-ka Real Madrid ayuu Zidane sheegay in ay wali jiraan waxyaabo badan iyo fursado ka banaan La Liga.

“Uma maleynayo in jamaahiirta Madrid ay aaminsan yihiin in aanaan ku guuleysan doonin LaLiga,” ayuu yiri tababaraha reer France. Waxay had iyo jeer aaminsan yihiin inaan wax badali karno.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here