Zlatan Ibrahimovic oo ka maqan Kulanka Ac milan ka hortageyso Kooxda Liverpool

Zlatan Ibrahimovic ayaa dhaawac ku seegi doona kulanka ay AC Milan la ciyaari doonto Liverpool Arbacada Champions League.

Weeraryahankii hore ee Manchester United, Barcelona, ​​Inter Milan iyo Juventus ayaa la nasinayaa si taxaddar leh ka dib markii uu xanuun ka dareemay lugta intii lagu guda jiray tababarka subaxnimadii Talaadada.

Ibrahimovic, oo 39 jir ah, ayaa ka soo laabtay afar bilood oo uu dhaawac jilibka ah soo gaaray Axaddii, isagoo dhaliyay goolkii ay Milan 2-0 kaga badisay Lazio taasoo ka dhigtay inuu noqdo gooldhaliyaha ugu da’da weyn Serie A ee ajnabiga ah.

“Ibrahimovic weligiis ma gaboobo oo wuxuu leeyahay xamaasad weyn, balse dhaawac ayaa jira,” ayuu yiri tababaraha Milan Stefano Pioli ciyaartaas kaddib.

“Wuxuu u tartamayaa inuu guuleysto, had iyo jeer lakin hada nasasho ayuu ku jiraa.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*