Home Warka Xiisaha Leh Zlatan Ibrahimovic Oo Rikoor Cajiib ah Ka Dhigay Horyaalka Serie A

Zlatan Ibrahimovic Oo Rikoor Cajiib ah Ka Dhigay Horyaalka Serie A

0
Ad

Xiddiga AC Milan Zlatan Ibrahimovic ayaa noqday laacibkii ugu da’da weynaa ee gool ka dhaliya taariikhda horyaalka Serie A inkastoo kooxdiisa ay guuldarro 3-1 ka soo gaartay Udinese.

Ibrahimovic oo 41 sanno jir ah ayaa dhaliyay rigoore qeybtii hore ee ciyaarta, waxay aheyd goolkii ugu horeysay ee laacibka reer Sweden uu dhaliyo tan iyo markii uu ka soo laabtay dhaawacii halista ahaa ee jilibka.

Ad

Laakiin Udinese ayaa shabaqa soo taabatay qeybtii hore markii ay goolal kala dhaliyeen Roberto Pereyra iyo Beto ka hor inta uusan Kingls Ehizibue uusan dhalinin goolka seddexaad daqiiqadii 70aad ee ciyaarta.

Ibrahimovic ayaa ka caawiyay Milan inay ku guuleysato horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ka hor inta uusan u baahnaanin in qaliin looga sameeyo jilibka.

Waxa uu garoomada ku soo laabtay bishii Febraayo isagoo bedel ku soo galay seddex kulan ka hor inta uusan ku soo bilaabanin kulankii xalay, wuxuuna noqday kabtankii ugu da’da weynaa taariikhda Milan.

Previous articleSergio Ramos Oo Ku Biiray Liiska Dhaawacyada Iyo Lionel Messi oo asna ka Maqan
Next articleHordhac: Barcelona vs Real Madrid – ee horyaalka La Liga, Wararka labada Koox iyo Shaxda Macquulka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here