Ruugcaddaaga kooxda AC Milan iyo xulka Sweden ee Zlatan Ibrahimovic ayaa daboolka ka qaaday xulka uu la doonayo ku guuleysiga Koobka aduunka ka socda dalka Qatar.
Wareega siddeed dhammaadka oo maanta bilaabmi doona ayay iskugu soo baxeen dalalka kala ah Netherlands, Argentina, Croatia, Brazil, France, England, Portugal iyo Morocco.
Zlatan ayaa sheegay in dalka uu la jecel yahay hanashada Koobka ugu weyn dunidu yahay Argentina sababtuna ay tahay Lionel Messi.
Messi iyo Ibrahimovic ayaa xilli ciyaareedkii 2009-10 kusoo wada qaatay Barcelona waxayna intaas kaddib ahaayeen kuwo xidhiidh dhaw leh.
Si lamid ah sida badi dunida kubadda cagta, Ibrahimovic ayaa isha ku haya koobka Qatar ka socda wuxuuna ku jawaabay mar shabakadda 433 weydiisay xulka uu taageersan yahay “Waxaan rajaynayaa in Argentina ku guuleysato koobka aduunka sababtoo ah Messi”.
Xulka Argentina ee Messi hormoodka u yahay ayaa caawa tijaabo ku mari doona gegida Lusail Stadium iyagoo la ballansan dhigooda Netherlands.