Home Warka Xiisaha Leh Zlatan Ibrahimovic oo si rasmi ah xalay ugu dhawaaqay inuu ugu dambayn...

Zlatan Ibrahimovic oo si rasmi ah xalay ugu dhawaaqay inuu ugu dambayn gabi ahaanba ka fadhiistay kubadda cagta.

0

Zlatan Ibrahimovic ayaa si rasmi ah xalay ugu dhawaaqay inuu ugu dambayn gabi ahaanba ka fadhiistay kubadda cagta.

Jamaahiirta AC Milan ee ku sugnayd San Siro ayaa xalay macsalaameeyay Ibrahimovic oo dhawaan sheegay inuusan kubadda cagta ka fadhiisanayn balse u muuqda mid bedelay aragtidaas hore.

Warar kale oo dhawaan soo baxayay ayaa Zlatan la xidhiidhinayay kooxda kale ee Talyaaniga ah ee Monza balse haatan ayuu hawl gabay guud ahaanba.

Ibra ayaa noqday gool-dhaliyaha ugu da’da weyn ee abid gool ka dhaliya kulan Serie A ah markii uu shabaqa kooxda Udinese gaadhay bishii March.

Muuqaalo badan oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiirada ka muuqata wajiga 41 sano jirka Swedish-ka ah oo macsalaamaynaya kubadda uu mudada dheer kusoo raaxaysanayay.

Ibrahimovic ayaan la filayn inuu xilli ciyaareedkan hawlgabo balse sheegay inuu sabab iyo saamayn degdeg ah u fadhiistay.

Ibra ayaan xilli ciyaareedkan door weyn ku lahayn Rosonerri balse xilli ciyaareedkii hore u horseeday hanashada horyaalka.

Previous articleWAR DEG-DEG AH: Real Madrid Oo durbaba Dooratay Weeraryahankii U Beddelayay Karim Benzema iyo Kooxda ay kasoo Afduubanayso oo walaacsan
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Isniin Ah 05-ta May

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here